Ciidamada Dab Damiska Oo Damiyay Dab Ka Kacay Xaafada Xero Ruushka Iyo Khasaaraha ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Dab Damiska Oo Damiyay Dab Ka Kacay Xaafada Xero Ruushka Iyo Khasaaraha ka Dhashay
August 19, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada Dabdemiska ayaa ku guuleystay daminta dabkaas oo laxaadkiisu weynaa, isla markaana xaafadaas ay ku yaalaan guryo badan oo isku raran ah, halisna ugu jiray inuu dabku soo gaadho kuna fido sandaqadihii u dhawaa.

Sagaal Guri ah oo ahaa Buulaal ayaa dabku Qabsaday, hal Qof na ku dhaawacmay. Sidoo kale ciidanka ayaa dabkaas ka nabadgelyeeyay dhamaan guryihii kale.

Maamulka degmada 31 May iyo Ciidanka Booliska ayaa hawlgalkaa kala qayb qaatay Ciidamada Dabdemiska.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka Dabdemisku badbaadiyeen ku dhawaad 50 Sandaqadood oo goobtaas ku yaalay, taliyaha ayaa sidoo kale dadweynaha ku wacyigeliyay inay banneeyaan wadooyinka, isla markaana cidhiidhiga ka daayaan goobaha hawlgaladu ka socdaan.

Dhankiisa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sareeye guuto Daahir Cali Wacays ayaa u Mahadnaqay Ciidamada Dabdemiska iyo Ciidamada Booliska sida nafhurka leh ee ay u shaqeeyeen, waxaanu Taliyuhu sheegay in Ciidamada Dabdemiska dariiqa loo baneeyo marka lagu jiro gurmadka.

COMMENTS
LINKS