Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiysay Eedaymo Uga Yimid Haayada WHO Oo Sheegtay In Ciidamada Jsl Duqaymo Ugaysteen Xarumaha Caafimaad Ee Laascanood. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiysay Eedaymo Uga Yimid Haayada WHO Oo Sheegtay In Ciidamada Jsl Duqaymo Ugaysteen Xarumaha Caafimaad Ee Laascanood.
July 15, 2023 - Written by Editor:

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒A(W,N)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in anay jeclaysan warbixintii ay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Khamiistii kaga warbixisay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaadhsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso xukuumadda Somaliland.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Khamiistii sheegtay in duqaymo lala beegsaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Laascaanood ay dhibaato soo gaadhsiiyeen adeegyada caafimaadka.

 

 

COMMENTS
LINKS