|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Lafilayo In Uu Utartamo Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye!
July 21, 2023 - Written by Editor:LONDON(W,N)-Wasiirkii Hore ee wasaarada arimaha dibada somaliland iyo wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga ee xukuumadii axmed siilaanyo Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa lafilayaa in uu kamid noqda siyaasiyiinta damaca leh ee utartamaya gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbi xaakimka kulmiye . Siyaasi maxamed cabdilaahi cumar oo kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ee saamaynta ku leh caalamka islamarkaana mudadii uu wasiirka arimaha dibada somaliland ahaa ku guulaystay taalaabooyin badan oo ay kamid ahayd in shirkii ugu balaadhan ee arimaha somaliland lagaga hadlo lagu qabto dalka ingiriiska, kaasi oo ay ka dhalatay in la bilaabo wada hadalada somaliland iyo somaliya Sidoo kale siyaasigan oo kamid ah xubnaha sare ee kulmiye islamarkaana taageero balaadha ka haysta xisbiga iyo guud ahaan shacabka somaliland ayaa lafilayaa maalmaha soo socda in uu yimaada dalka Jsl. Dhanka kale siyaasi maxamed cabdilaahi cumar ayaa kamid ah dadka ay madaxwayne biixi aadka iskugu dhow yihiin isagoo hormuud ka ahaa masuuliyiintii xukuumadii axmed siilaanyo katirsanaa ee horseeday in madaxwayne biixi lagu wareejiyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye, taasi oo uu maanta ku yahay madaxwaynaha Somaliland, xiligaasi oo loolankii ka dhex jiray golaha xukuumada madaxwayne siilaanyo ay sobobtay in xilka laga tuurto Dr maxamed cabdilaahi cumar Siyaasi maxamed cabdilaahi cumar ayaa kazoo jeeda gobolka gabiley oo isagu horseeday guushii madaxwayne biixi ku hantay kursiga dalka ugu sareeya iyadoo ilaa hada ay ka mid yihiin shacabka gobolka gabiley kuwa kaliya ee wali taageerada balaadhan uhaya madaxwayne biixi oo hada xilka hayay mudo 6sano ah.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|