|
|||||
WAJAALE NEWS
“Wali Rajo Ayaynu Leenahay Mar Haddii Uu Aadan Xaaji Cali Uu M/wayne Muuse Biixi Ku Yidhi; “Wallaahi Xayntuna Ha Iska Oontee, Inaanu Runta Sheegi”
July 10, 2023 - Written by Editor:Komishaka doorashooyinka waxaan leeyahay ninkii ay sakaaradu dhaaftay wuxuu yidhi ta dan-baba sida aad u soo kala horay-siinaysaan doorashooyinka waa shaqadiinii waxaan-se idinku kaabayaa cida hawshaa wada mansab kasta oo uu haysto iyo darajo kasta oo uu leeyahay in sidaa maxkamada sare iyo nuur-xaashi oo kale aad ku tidhaahdaan “WALLAAHI XAYNTUNA HA ISKA OONTEE INAANU RUNTA SHEEGI” Markaa ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota :- Oday reer miyi ahaa oo danyar ahaa ayaa waxa uu haystay xayn yar oo adhi ah waxaana xaynta u waraabin jiray nin ka mid ahaa raga deegaanka magaca ku lahaa oo barkad wayn lahaa hadaba maalin maalmaha ka mid ah iyada oo meel fagaare ah la fadhiyo ayuu war-bixin aan xaqiiqo ahayn oo runta ka fog uu ku waramay odaygii barkada lahaa markii ay dadkii maqlayay yaabeen ee uu arkay in la soo wada eegayo ayuu fahmay in warkiisii uu dadkii ku adkaaday oo ay u baahan-yihiin markhaati looga qaateen ah oo lagu kalsoonaan karo oo iimaan lagu ogyahay Waxaanu markiiba odaygii barkada lahaa farta ku fiiqay ninkii uu xaynta u waraabin jiray ee nuur-xaashi oo ka soo hor-jeeday waxaanu yidhi beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye waxa markhaati goob-joog ka ahaa arintan aan idiinka waramay nuur-xaashi ee qoodh iyo xeraale ku waydiiya dadkii waxay mar kaliya u wada jeesteen xagii nuur-xaashi oo ahaa nin lagu kalsoon yahay oo iimaankii-suna fiican yahay ninkii nuur-xaashi waxaa ku cadaatay talo mar wuxuu eegay xaga ilaahay iyo maalinta aakhiro marna wuxuu eegay xayntii yarayd ee adhiga ahayd oo kalkeedii taagan-yahay Waxaana jirta xilli marka aad naftaada la faqayso uu kaa soo baxo hadalkii aad naftaada kula faqaysay ee kuu qarsoonaa oo dadku ay maqlaan adiga oo aan ugu talo galin in la maqlo hadaba odaygii nuur-xaashi waxaa ka soo baxay oo la maqlay hadal ahaa (WALLAAHI XAYNTUNA HA ISKA OONTEE INAAN RUNTA SHEEGI) nasiib wanaag nuur-xaashi bar-barkiisa midig waxa fadhiyay odaygii raga deegaanka ugu magaca waynaa kaalinta koowaadna kaga jiray haddii ay noqoto barkad baabuur iyo xoolo nool intaba oo dhaar iyo xila-fur ku maray in inta uu nool-yahay uu kafaalo qaaday biyaha ay cabayaan xaynta adhiga ah ee nuur-xaashi iyo reerkiisu ubadkiisana uu kula dardaarmi doono iyo waliba waxtar kale waxaanu ku yidhi nuur-xaashiyoow markhaatigu waa dhaar nin lihi diiday ee runta sheeg adiga oo ilaahay ka baqaaya oo dhinacaaga u tudhanaya nuur-xaashina waxa uu dhayda ka cadeeyay markhaatigii runta ahaa hadaba somaliland marka la isku qabto arimaha doorashooyinka inta ka dhimani oo kali ahi waa ha’adaha ay khusayso oo sidii nuur-xaashi yidhaahda (WALLAAHI XAYNTUNA HA ISKA OONTEE INAANU RUNTA SHEEGI) Waxa Qoray: C/risaaq Suudi Nuur Allaa Mahad Leh COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|