|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo War Kasoo Saaray Weerar Saaka Lagu Qaaday Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye!
July 17, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa Qoraal Kooban oo ay ku Baahiyeen boga ay ku leeyihiin facebookga kaga hadlay weerar saaka lagu waxyeeleeya xildhibaan Jamaal aadan diiriye oo katirsan golaha wakiilada iyagoo sheegay in xubno kamid ah ciidanka qaranka uu gacan hadal dhexmaray islamarkaana la xidhay xubnihii xildhibaan waxyeelada ugaystay. Wuxuna udhignaa Sidan; WARBIXIN : Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa isku dhac dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada Somaliland JSL iyo Xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka. Markii falkaasi Taliska Ciidanka Boolisku ku war-helay waxuu degdeg Talaabo uga qaaday Askartii isla marnaa uu xidhay. Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay . XAFIISKA WARBAAHINTA CIIDANKA BOOLISKA JSL. Related posts:Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaala Waynaha Shirkaddaha Telesom Group. Baarlamaanka Australia Oo Tallaabo Ka Qaaday Xildhibaan u Qiil Sameeyay Weerarkii Masaajidka New Zea... DAAWO; "Madaxwaynuhu Iskamuu Tanaasuline Godkiisay Biyo Ugu Galeen" Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|