Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo War Kasoo Saaray Weerar Saaka Lagu Qaaday Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo War Kasoo Saaray Weerar Saaka Lagu Qaaday Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye!
July 17, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa Qoraal Kooban oo ay ku Baahiyeen boga ay ku leeyihiin facebookga  kaga hadlay weerar saaka lagu waxyeeleeya xildhibaan Jamaal aadan diiriye oo katirsan golaha wakiilada iyagoo sheegay in xubno kamid ah ciidanka qaranka uu gacan hadal dhexmaray islamarkaana la xidhay xubnihii xildhibaan waxyeelada ugaystay. Wuxuna udhignaa Sidan;

WARBIXIN :

Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa  isku dhac  dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada  Somaliland  JSL iyo Xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka.

Markii falkaasi Taliska Ciidanka Boolisku ku war-helay  waxuu degdeg Talaabo uga qaaday Askartii isla marnaa uu xidhay.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay .

XAFIISKA WARBAAHINTA

CIIDANKA BOOLISKA JSL.

COMMENTS
LINKS