Soo Dhawayn Go’aanka Komishanka Iyo Sixid Mudda Xileedka Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa”Xil. Ku Cadeeye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soo Dhawayn Go’aanka Komishanka Iyo Sixid Mudda Xileedka Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa”Xil. Ku Cadeeye.
July 17, 2023 - Written by Editor:

Marka hore waxa aan soo dhawaynayaa Go’aanka Guddida Doorashooyinka Qaranku ku mudeysay Doorashada Ururada siyaasadda ee la filayo in ay ka soo baxaan saddexda XISBI QARAN ee qaadan doona LIISANKA SHAHAADADA XISBINIMO EE TOBANKA SANO ee soo socda. Waana Go’aan cid kasta oo Xeerarka dalka aqoon u lihiba filaysay.

Marka xigtana waxa aan saxayaa Aragtida Saaxiibkay Mudane Xildhibaan QASIM SALEEBAAN ee ah:

“Gudiga Doorashooyinku Waxay Bil iyo 13 Beri ku Kordhiyeen Mudadii ay Guurtidu hore ugu kordhisay Madaxweynaha ee Labada Sano ahayd oo Ka Bilaabanaysay 1/10/2022 – 1/10/2024; Waxayna Gudigu ka dhigeen Doorashada Madaxweynaha 13/11/2024; Taasoo Aysan Sharci U Lahayn ….”.

Sida uu tilmaamayo QODOBKA 88AAD EE DASTUURKA JSL FAQRADIISA1AAD Muddada xilka ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.

Sida aynu wada ogsoo nahayna Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxa loo dhaariyey xilka 13 December 2017 wuxuuna ku dhamaanayey Mudda xileedkoodii la doortay 13 December 2022.

Haddaba GOLAHA GUURTIDU Mudda xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxa ay ku dareen laba sano oo ka dhigaysa Mudda xileedkooda 7 sano oo ku eeg 13 December 2024 ee waxba kamey baddalin mudda xileedkii la doortey ee 5 sano ahaa. Guddida Doorashooyinkuna maanta waxba kumay biirin Mudda Xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha.

ALLAA MAHAD LEH

QALINKII; XILDHIBAAN SH. AXMED DAYIB “KU CADEEYE”

COMMENTS
LINKS