|
|||||
WAJAALE NEWS
“Maxamuud Xaashi La Yaabi Maayo, Go’aanka Komishanku Waa Sidii Uu Doonayay Ee Muuse, Ilaa Kal Hore Uu Waday. Laakiin Taasi Maaha In Khilaafkii Doorashadu Uu Sidaa Ku Dhamaaday” Siyaasi Cali Guray.
July 18, 2023 - Written by Editor:“MAXAMUUDOW SIDISIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSO Maxamuud Xaashi la yaabi maayo go’aanka komishanku waa sidii uu doonayay ee Muuse ilaaa kal hore uu waday. Laakiin taasi maaha in khilaafkii doorashadu uu sidaa ku dhamaaday waa sida uu hadalka u dhigaye.Komishanku waxay iclaamiyeen doorasho aanay u haynin wax sharci ah uu ku Qaban karo. Waayo sharci ahaan sadex doorasho oo keliya ayuu sharcigu ku waajibinayaa sida ku cad Xeerka Doorashooyinka Guud Ee Lam-91.Waxay kala yihiin doorashooyinka Golayaasha Degaanka, Wakiilada, Iyo Madaxtooyada. Maxamuud wuu og yahay in doorashada ururadu aanay ka mid ahayn Komishankuna haynin xeer ku waajibinaya qabashada doorashada ururada. Doorashada Madaxtooyada ee hawsheeda komishankani kala wareegay komishankii ka horeeyay waxa lagu daadifayn karaa waa hal qodob oo keliya oo aan ku jirin Xeer Lam-91 ee ku jira Xeer Lam-14. Labada doorasho waxa muhiimsan ta dastuuriga ah ee madaxtooyada oo u baahan hal qodob oo keliya in wax laga bedelo ta kalena loo helo xeer baarlaman oo lagu qaban karo. Marka ay sidaa tahay ma la odhan karaa khilaafkii doorashadu waa la dhameeyay Mise waxa run ah in weli uu taagan yahay loona baahan yahay in laga heshiiyo? Mise Maxamuud wuxu rabaa doorasho aan la isla ogolayn in qasab la isku jiidhsiiyo oo la yidhaa gal ama ha gelin labada xisbi ee mucaaridkuna qaadacaan oo fursad baabu u arkaa? Hadaba waxan u sheegayaa Maxamuud Xaashi in Somaliland aanay hore uga qabsoomin maantana aanay qabsoomi doonin doorasho aan la isla ogolayn. Kubbaduna way ka baxday gacanta Muuse Biixi Maxamuudna Xisbi Qaran maaha ee xalku wuxu gacanta ugu jiraa Cabdiraxmaan Cirro in uu ogolaado iyo in uu diido. Markaa damaashaadka Maxamuud digashona waabay ka noqon kartaaye wax micno ah iima samaynayso ee waxan leeyahay SIDISIDIDAADA MOOYEE MAXAMUUDOW DHUL U DHACAAGA HUBSO/ Qore; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Related posts:Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Kana Dhegeyst... Xisbiga Kulmiye Laantiisa Dalka Sweden Oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub Oo Garabka Dhalinyarada Maal-qabeen U Dhashay Dalka Imaaraadka Oo Uu Weheliyo Safiirka Jsl Ufadhiya Jabuuti Oo Booqasho Ku T... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|