|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwynaha Masar Iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Ka Shiray Biyo-xidheenka Webiga Nile.
July 13, 2023 - Written by Editor:MASAR(W,N)-Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wadahadlay xiisadda Suudaan, xidhiidhka labada dal iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Sisi ayaa Axmed kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee Qaahira, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Masar ayaa maanta oo Khamiis ah martigelinaysa shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo lagaga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda 12-ka toddobaad ee u dhexeysay dhinacyada iska soo horjeeda ee milateriga Suudaan, taasoo sababtay masiibo bini’aadanimo oo weyn oo gobolka ka taagan. Masar iyo Itoobiya oo ah labada dal ee ugu weyn ee deriska la ah dalka Suudaan ayaa sannadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada laga dhisayo webiga Blue Nile oo ku dhow xadka Suudaan.
Related posts:DAAWO; Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Magaalada Lowyo Cado Ee ... Halkan Ka Dhegayso Shirka Nabadaynta Ceel-Afwayn Oo Hadda Si Rasmi Ah U Furmay Iyo Wararkii Ugu Damb... Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadley Kala Qaadista Labada Doorasho Iyo Dhawaqa Ka Soo Yeedha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|