|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Hambalyo Udiray Shacabka Curashada Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1445-ka.
July 18, 2023 - Written by Editor:HAMBALYO MADAXWEYNE. Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba. Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Berri oo Arbaca ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 19/07/2023. Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Xilka Uu Madaxwayne Farmaajo Umagacaabay Yuusuf Garaad Ee Ergayg... Waxay Gabiley leedahay Gacantiinnu yay noqon.Gabno iyo mid hooto ah ,Waa Maanso Uu Curiyay Abwaan Ca... DAAWO;-Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Kufsi Iyo Dil Magaalada Burco Gabadh Loogu Gaystay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|