Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay!
July 17, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, sidii loo dardar-gelin lahaa loona xoojin lahaa mashaariicda Qaramada Midoobay ka waddo gudaha Somaliland.

Waxa kale oo laga wada hadlay wada-hadaladii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrinta la iska waydaarsaday aaraah. Sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee la xidhiidha colaada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa.

Ugu danbayna Kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in ay si dhaw u wada shaqeeyaan labada dhinac.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, horumarinta Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ahna ku simaha wasiirka iyo Ergeyga gaarka ah ee Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, halka dhinaca weftigana ay ku wehelinayeen madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo la socday.

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
LINKS