Madaxwaynaha Jsl Oo Cafis Ufidiyay 388 Maxbuus Oo Ku Kala Xidhan Xabsiyada Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Cafis Ufidiyay 388 Maxbuus Oo Ku Kala Xidhan Xabsiyada Dalka!
July 22, 2023 - Written by Editor:

CAFIS MADAXWEYNE: 22/07/2023.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/244/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;

Markaan Tix-geliyay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/334/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS