Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Dawlada Germany Iyo Arimaha Ay Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Dawlada Germany Iyo Arimaha Ay Wada Hadleen!
July 6, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Duqa Caasimadda Hargeysa Md. Abdikarim Ahmed Mooge, oo ay weheliyaan Agaasimaha Hawlaha Guud ee DHH, Madaxa Xafiiska Warshadaha DHH iyo Xubno ka mid ah Shaqaalaha DHH, Waxa uu maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafti sare oo ka socday KFW (Bangiga Horumarinta Germany) oo uu hogaaminayay Director of Regional Office Horn of Africa.

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, biyo mareenada, Maareynta Xashiishka, taaba galinta hindisaha Dawladda Hoose ee Hargeysa ee dhanka shaqo abuurka dadka barakacayaasha Hargeysa ku nool iyo sidii magaalada Hargeysa loogu sameen Master Plan.

Kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo is fagarad leh waxaana la isla qaatay sidii looga wada shaqayn lahaa hirgalinta qorshayaashaas horumarineed.

COMMENTS
LINKS