Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo Gurigiisa Ku Booqday Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo Gurigiisa Ku Booqday Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
July 26, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Cusub ee Golaha wakiilada Somaliland yaasiin Xaaji Maxamuud  xiir faratoon ayaa galabta ku guriisa ku booqday musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro halkaasi oo ugu tagay salaam iyo in ay iska xogwaraystaan xaaladaha dalka.

Musharaxa madawxayne ee xisbiga waddani ayaa qoraal uu kaga hadlayo booqashada uu ugu Yimid gudoomiyaha golaha wakiiladu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kaasi oo uu ku faah faahiyay arimaha ay ka wada hadleen gudoomiye faratoon wuxuna udhignaa sidan;

“Galabta waxaa hoyga aan ka degganahay magaalada Hargeysa Booqasho & salaan iigu yimid Guddoomiyaha cusub ee aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo aan uga mahadcelinayo biseylkiisa siyaasadeed iyo talo urursigiisaba.

Guddoomiye Faratoon waxa aan si qoto dheer oo faahfaahsan uga sheekeysannay xaaladda guud ee uu waddanku maanta ku sugan yahay, haddii ay tahay dhanka cakirnaanta siyaasadeed, culeysyada amni, iyo duruufaha dhaqan- dhaqaale, sida oo kale waxa aan la wadaagay khibradeydii dheereyd ee la xidhiidhay hoggaaminta aqalka Golaha Wakiilada JSL oo aan oday u ahaa in ka badan 12sanno.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada JSL waxa aanu ku ballannay isla markaana isu dardaarnay ka wada shaqeynta dhammaan amuuraha ay udub dhaxaadka u yihiin danaha Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS