|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dhaariyay Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, Oo Kamid Noqonaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.
July 11, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa 10/07/2023-ka dhaariyay Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen 01/07/2023-ka, codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo jagada ka banaanaatay Golaha Wakiillada JSL, iyagoo tixraacayay warqada sumadeedu tahay GW/G/38/1009/2023, kuna taariikhaysan 24/06/2023-ka taasi oo Golaha Wakiilladu kaga codsaday Guddida Doorashooyinka Qaranka in la soo buuxiyo jagada uu banneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo is casilay. Isla markaana tixraacaya warqada sumadeedu tahay GW/G/18/106/2023, kuna taariikhaysan 19/06/2023 ujeedadeeduna tahay aqbalaad is-casilaad taasi oo Guddida Joogtada ah, ee Golaha Wakiilladu ay is-casilaada kaga aqbashay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed xilkii Guddoomiye-nimo iyo xubinimaddii Golaha Wakiillada ee uu iska casilay. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu Qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Related posts:Sheekh Mustafe Oo Sheegay In Aanu Isticmaalin Baraha Bulshada Dadka Magaciisa lacagta Ku Urursanayaa... DAAWO;Rooda Axmed Yaasiin Oo Ka Hadashay Socdaalka Madaxweynaha Ee Berbera iyo Dhaxal Wareejinta Dek... Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Ce... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|