|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Mareykanka Oo Cuno-qabateyn Kusoo Rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf!
July 28, 2023 - Written by Editor:WASHINGTON(W,N)-Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaadhsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay. “Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo gobolka.” Related posts:Siyaasi Abgaal oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Xaalada Dalka, Kana Hadley Shirweynaha Golaha Dhexe Ee K... DAAWO;-Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Muxuu ka Yidhi In Kiniisad Laga furay Hargaysa Iyo Manhajka Lag... Maamulka Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Wado Isku Xidhaysa Boqol Jire Iyo She... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|