Dawlada Jabuuti Oo Xabsiga Utaxaabtay Fanaaniin Iyo Jilayaal Reer Jabuuti Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Xabsiga Utaxaabtay Fanaaniin Iyo Jilayaal Reer Jabuuti Ah.
July 6, 2023 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Booliska Dalka Jabuuti Ayaa xidhay fannaaniin Iyo Jilaayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Raad sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gudaha Jabuuti.

Guddoomiyaha Xisiga Mucaaradka ah ee Raad Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti ayaa BBC u sheegay in toddoba qof oo isugu jira fannaaniin iyo jilaayaal oo ka tirsan xisbigooda ay booliska Jabuuti xabsiga u taxaabeen.

“Labadii bishan toddobaad ilaa iyo shanteeda ayay booliska Jabuuti qabqabteen oo ay xireen afar gabdhood oo ka tirsan kooxda fanka iyo labo rag ah oo ruwaayadaha jila oo dadka ka qosliya. Waxaa intaa dheer xoghaya guud ee xisbiga oo isna la xiray mar uu isku dayay in uu xabsiga ku soo booqdo fannaaniinta la xiray,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha ayaa BBC u sheegay in dadkan waxa lagu haysto ay tahay in munaasabaddii calanka ay soo bandhigeen heeso, ruwaayado, majaajilo, cayaaro kuwaas oo lagu dhaaliilayay xukuumadda Jabuuti.

Anaga siyaasaddayadu waa ficillo nabdoon marka dadkaa heesayay waxaa lagu xiray heeso, ciyaar iyo ruwaayado ay soo bandhigeen inkastoo dowladda ay sheegeyso in dadkan ay ku haysato inay xirteen dareyska askarta taasna waxba ku jabna oo idaacadda dowladda Jabuuti ayaa waxaa laga wadaa ruwaayado ay jilayaan fannaaniin u xagliya xagga taliska oo xiran darays marka xaqiiqda ay ah in waxa ugu weyn ee ay dowladda ka carootay ay tahay in lagu haysto in dadkan ay ku heeseen oo ay yirahdeen mishaarka haloo kordhiyo askrta iyo shaqaalaha dowladda Jabuuti,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Hase yeeshee ilo wareedyo kale oo BBC-da ay la hadashay ayaa inoo sheegay in sababta dadkan lagu xidhay ay tahay ruwaayad ay ugu duur-xulayaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhammaan eedeymahan loo soo jeediyay dowladda Jabuuti ayaa si aan jawaab uga helno waxaan la xidhiidhnay booliska Jabuuti balse nooma suurtogelin inay nala hadlaan.

Xigasho; BBC.

COMMENTS
LINKS