Ciidanka Dab-demiska Magaalada Berbera Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri Jiingada Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Magaalada Berbera Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri Jiingada Ah.
July 6, 2023 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Ciidanka Booliska degmada Burco sheekh iyo maamulka dawlada hoose  ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaa iyaguna qayb weyn ka Qaatay ciidanka Booliska.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadoodba.

COMMENTS
LINKS