Ciidamada Dab Damiska Caasimada Hargaysa Oo Damiyay Dab Markale Ka Kacay Guri Ku Yaala Xaafada State House Ee Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Dab Damiska Caasimada Hargaysa Oo Damiyay Dab Markale Ka Kacay Guri Ku Yaala Xaafada State House Ee Magaalada Hargaysa
July 11, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)- Xaafada State house ka ayaa mar kale Dab ka kacay Guri Jiingada Habeenimadii xalay 10 July 2023 abaaro 8 :30 kii.

Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa si degdega goobtaas ku gaadhay, goobtaas oo ahayd cidhiidhi ayna adkayd in si fudud lagu dhex maro, ayna u dheerayd dadweyne cidhiidhi galiyay, ayaa ciidamada Dabdemiska oo adeegsanaya xirfada la dagaalanka dabka, waxay xidhiidhiyeen tuumbooyin doora, taasoo lagu gaadhsiiyay halkii dabku ka jiray.

Ciidamada Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay dabkaas ka xakameeyaan xaafada State house ka inteeda kale, taasoo ay ku yaalaan kumanaan guri ayna degenyihiin bulsho badan.

Ciidamada Booliska iyo Maamulka degmada Gacma-dheere ayaa iyaguna ciidanka Dabdemiska kala hawlgalay dabkaa.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa goobjoog ahaa hawlgalkaas.

Iyadoo marka horeba xaafadaasi ay adagtahay in si fudud lagu dhex maro ayaa hadana Dadweyne farabadan cidhiidhi galiyeen goobtaas, iyadoo ay ciidamada Dabdemiska ku adkaatay inay si fudud u hawlgalaan.

Hadaba Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan bulshada uga digayaa inay xannibaad iyo shaqo hor istaag ku sameeyaan goobaha dabka laga daminayo, waxaanay mutaysan doonaan Ganaax iyo Xadhig.

Fadlan muwaadin Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ee ciidanka Dabdemiska 990 shirkadaha Telesom/ Somtel.

COMMENTS
LINKS