Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Iyo Xubin kale Oo Qaadacay Go,aankii Cayimaada Doorashooyinka Ee Kasoo Baxay Xarunta Komishanka, Sheegayna In Aanay Ogayn Meel Lagu Soo Diyaariyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Iyo Xubin kale Oo Qaadacay Go,aankii Cayimaada Doorashooyinka Ee Kasoo Baxay Xarunta Komishanka, Sheegayna In Aanay Ogayn Meel Lagu Soo Diyaariyay!
July 17, 2023 - Written by Editor:

“Mudo Ay 30Daqiiqo Udhaxaysay Markii Aanu Kasoo Baxnay, Ayay Warqada Intaa Leeg Kusoo Saareen, Waxaanad Moodaysay In Ay Iska Sii Diyaarsanayd” Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Jsl.

 “Qodobadaa Ay Kazoo Saareen Xubno Kamid Ah Komishanku, Go,aan Loo Dhanyahay Maaha, Waxaana Sexeexay Gudoomiyaha Oo Kaliya”komishaneer Ibrahim

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka cabdicasiis xirsi Warsame Iyo Komishaneer Ibraahim Macalin  ayaa qaadacay go,aankii kazoo baxay xarunta komishanka qaranka kaasi oo ay sheegeen in uu ahaa go,aan aan laga wada tashan waxna aanay ka ogayn halka lagu diyaariyay.

Sidoo kale xubnaha komishanka katirsan ayaa sheegay in go,aanka kazoo baxay gudida doorashooyinka islamarkaana uu sexeexay gudoomiyaha oo kaliya taasi oo ka hor imanaysa sharciga iyo wada shaqaynta uyaala komishanka doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS