Xildhibaan Axmed Muuse Oo Si Adag Uga Hadlay Askari Ciidanka Booliska Katirsan Oo Loo Xukumay Gaadhigii Uu Waday Oo la Dhacay, Kuna Dhex Curyaamay Jeelka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Axmed Muuse Oo Si Adag Uga Hadlay Askari Ciidanka Booliska Katirsan Oo Loo Xukumay Gaadhigii Uu Waday Oo la Dhacay, Kuna Dhex Curyaamay Jeelka.
June 3, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Axmed muuse oo katirsan golaha wakiilada Somaliland laga soo doortay gobolka sanaag ayaa si kulul uga hadlay tacadi uu sheegay in lagula kacay askari ka tirsan ciidanka booliska oo uu la dhacay gaadhii uu waday sanad ka hor kuna geeriyooday laba askari halka ay ku dhaawacmeen 11kale

Xildhibaan axmed ayaa sheegay in askarigan oo lagu magacaabo aadan lagu xukumaday in uu bixiyo magta labadii askari eek u dhintay shilka iyo dhaawaciiba halka isagana lagaga xukumay afar sano oo xadhig ah kaasi oo ku dhex curyaamay jeelka islamarkaana xukuumadu ka dhago adaygtay in la geeyo xarumaha caafimaadka

Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in arinta askarigan ay kala hadleen dhamaan masuuliyiinta xukuumada oo uu ugu sareeyo madaxwaynuhu balse aanay waxba ka qaban.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS