Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Maxkamada Sare Ugudbiyay Dacwad ka Dhan Ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Maxkamada Sare Ugudbiyay Dacwad ka Dhan Ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
June 6, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa Maxkamadda Dastuuriga ah u soo gudbiyay, dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa u gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah arji dacwad oogis Dastuur jabin ah, oo lidi ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasi oo ku taariikhaysan 01/06/2023-ka, halka ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahina qabatay 04/06/2023-ka.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa maanta 06\06\2023 Golaha Wakiillada ku socodsiisay qoraal ay ku dalbanayso in la gaadhsiiyo dacwadda Dastuuriga ah ee sumadeedu tahay MS/GD/02/2023 ee ku lidiga ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sidoo kale Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, kaasi oo ay kaga dalbanayso in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood, oo ka bilaabmaya taariikhda

maanta 06 bisha Juun ee sannadka 2023-ka kuna eg 13-ka bisha Juun ee sannadka 2023-ka.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS