Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD Oo Maanta Ka Furmay Dalka Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD Oo Maanta Ka Furmay Dalka Jabuuti.
June 12, 2023 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Waxaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti shir madaxeedka 14-aad ee caadiga ah ee madaxweynayaasha iyo ra’iisal wasaarayaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya.

Shirka waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Suudaan iyo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo shalay ay warbaahinta Kenya werisay in madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo awoodda Soomaaliya ee ay ku hananayso amaanka dalkeeda ka hor inta aysan ka bixin ciidamada Midowga Afrika.

COMMENTS
LINKS