“Maxamed Kaahin Ta Uu Ka Yeelay Ayaa Ka Xun Ka Ta Cabdirsaaq Khaliif ”Caaqil Cumar Cismaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxamed Kaahin Ta Uu Ka Yeelay Ayaa Ka Xun Ka Ta Cabdirsaaq Khaliif ”Caaqil Cumar Cismaan.
June 9, 2023 - Written by Editor:

“Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxaan Leeyahay Haayadaha Dawlada Madaxda Ugu Sareeya Danbiga Way Wada Galeen, Hadii Uu Dacwada Uu Kusoo Oogay Cabdirasaaq Khaliif, Uu Kusoo Oogo Madaxwaynaha, Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Jananka Ciidanka Qaranka, Aniguna Waxaan Noqonayaa Ninkii Cabdirasaaq Keenayay”Caaqil Cumar.

HARGAYSA(W,N)-Caaqil Cumar Cismaan Aw Muxumed Aare oo kamid ah madaxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa si adg uga hadlay dacwada uu xeer ilaaliyaha guud maxkamada sare uga gudbiyay gudoomiaha golaha wakiilada Somaliland cabdirasaq khaliif

Sidoo kale caaqil cumar ayaa gudoomiyaha maxkamada sare ugu baaqay hadii uu dastuurka iyo cadaalada ilaalinaya in uu si siman usoo wada eedeeyo maxkamada dalka ugu saraysa ee qaarkood masuul ka ahaayeen in magaalada laascanood ay soo galaan ciidamo iyo garaado diidan somaliland oo sida calankii somaliya kuwaasi oo uu ay kamid yihiin madaxwaynaha Somaliland gudoomiyaha guurtida, wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka qaranka.

HALKAN KA DAAWO MUUQALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS