|
|||||
WAJAALE NEWS
“Maxakamada Sare Ee Dastuuriga Ah, Ayaa Laga Filayay In Ay Xalka Qayb ka Noqoto, Waxaase Muuqata In Ay Ku Milantay Xukuumaddii Oo Ay Utafaxaydatay In Ay Muranka Daraf Ka Noqoto”Gudoomiye Xirsi.
June 6, 2023 - Written by Editor:Somaliland waxay in muddo ah ku jirtay colaado hadheeyay iyo muran dastuuri ah iyadoo uu dhammaaday xilkii Madaxweynuhu looguna kordhiyay sifo sharciga baalmarsan, laguna heshiin. Waxaa kale oo jiray muran sharci oo madaxweynuhu abuuray, taas uu doonayo in uu doorashadiisii oo taagan -isagoo dantiisa ka eegaya, in uu doorasho kale oo aan shuruucda dalka meelna kaga qornayn (Doorasho toos ah) ka soo horumariyo doorashada Madaxtooyada, si uu gabbood iyo cimri-dherer uga dhigto. Waxaa faraha ka baxay qaybo dalka Somaliland ka mid ah iyadoo si hawl-yaraan ah ay dhawaan Puntland ka qabsatay Doorasho qof iyo cod ah, halka Madaxweynuhu inoo sheegayo in uu Laascaanood isla Puntland ka difaacayo. Bal waa yaab e, maxaa kala duway Sool iyo Sanaag oo labaduba dalkeenna ka tirsan? Maxakamada sare ee Dastuuriga ah ayaa laga filayay in ay xalka qayb ka noqoto waxaase muuqata in ay ku milantay xukuumaddii oo ay u tafaxaydatay in ay muranka daraf ka noqoto oo shaqadii Golaha Wakiillada soo gasho, taas oo baalmarsan mabaa’diidii dastuurka iyo kala madaxbannaanidii hay’adaha dawladda. Waxa aannu uga digeynnaa in ay hore ugu socoto talaabadaa gurracan, Somaliland intaa taagan ayaa dhib ugu filan ee ha uga darina oo qaranka dhiig-buxu ku socdo dhaawac kale ha u geysannina! Gudoomiyaha Xisbiga Waddani xirsi cali xaaji Xasan Ayaa qoraalkan kor ku xusan inala wadaagay. Related posts:Munaasibad Loogu Dabbaal-degayo 59-guurada kasoo Wareegtay Markii ay Somaliland xorriyaddeeda Ka Qa... Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Ku Dhawaaqay Shirkada Ku Guulaysatay Mashruuca Qodaalka ee Deegaanka... Mujaahid Cali Gurey oo Ka Hadlay Kulankii dhexmaray Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Soomaaliya COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|