|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaan Canbaaraynayaa Xadhiga Loo Geystay Saxafiyadda Caanka ah, Ee Bushaaro Cali Baande”Siyaasi Maxamuud Xaashi
May 21, 2023 - Written by Editor:Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda caanka ah, Ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la’aan ama ogolaansho la’aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la’dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc. Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda madaxweyne Muuse caadeysatay, isla markaana curfi ka dhigatay. Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horeyso iyo dambayso. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda.
W/Q Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.
Related posts:DAAWO; Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Wada hadalkii U Furmay Xisbiga Ucid... Garyaqaan Mubaarik Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Aan Qodob Sharci Xanbaarsanayn Oo Kazoo Yeedhay Garyaq... Laba Nin Oo ilma adeer Ahi, Shaanbad Ay Iskugu Mudo Kordhiyaan, Oo Waliba Raq Ahi, Dalkani Maqaadi K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|