|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha JSL Cabdiqaadir Iman Warsame Oo Kormeer Ku Tagay Mashruuca Banka Wajaale.
May 30, 2023 - Written by Editor:Wajaale (W.N) -Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa Maanta kormeer ku soo maray Mashruuca Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley. Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Xubno uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Waraabka ee Wasaaradda Beeraha Mawliid Xasan Cabdi, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maareeyaha Wasaaradda u qaabilsan Mashruuca Banka Wajaale Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe.
Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale, ayaa kormeeray Dalagyada kala duwan ee Wasaaradda Beeruhu ku beertay Banka Wajaale, waxayna War-bixin ka dhegaysteen Maareeyaha Mashruucaasi Mr. Gaboobe. Ugu dambayn, Wasiirka oo halkaa ka hadlay ayaa Beeralayda Somaliland u soo jeediyey Inay ka faa’idaystaan dhulka oo ay dedaalka Wax-soo-saarka kor u qaadaan. Related posts:Muwaadin Reer Jabuuti ah Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Guryo Ay Hargaysa ku Lahaayeen Oo Mulkiyado B... Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Ergay Cusub Oo Ay Usoo Magacawday Geeska Afrika Iyo Arimaha Uu K... Wasiirka Duulista Oo Soo Dhaweeyey Duulimaadyada Shirkada African Express Oo Ka Bilaabmay Garoonka C... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|