|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kulamo La Qaatay Baarlamaanka Dalka Sweden Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
May 15, 2023 - Written by Editor:SWEDEN(W,N)-Wasiirka arimaha dibada somaliland iyo wafti uu hogaamiyo oo safar ku jooga dalka Sweden ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka dalka Sweden kuwaasi oo ay kala hadleen xidhiidhka Somaliland ee dalka Sweden iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen mashariicda dalka Sweden ka fuliyo Somaliland.
Waftiga wasiirka arimaha dibada ayaa waxaa dalka Sweden kusoo dhaweeyay safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden Ambasador Sakariye xasan Wacays oo isagu kazoo shaqeeyay safarka ay waftigani ku tageen dalka Sweden iyo kulamada ay la qaateen baarlamaanka Sweden iyo wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden. Dhanka kale wasiirka arimaha dibada jsl ayaa booqasho ku tagay safaarada Somaliland ee dalka Sweden halkaasi oo uu safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden uu warbixin la xidhiidha shaqada safaarada ku siiyay wasiirka iyo xidhiidhka ay la leedahay madaxda dalka sweden HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Warantay Qiso Cajiib Ah Oo Kaga Dhacday Dalka Ingiriiska! DAAWO;-81 Arday Oo Kamida Ah Dadka Qaxootiga Ee Ku Dhaqan Hargaysa Oo Wax Ka Bartay Xarunta Farsamad... ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |