|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Xubno Kamid Ah Xukuumadiisa.
May 11, 2023 - Written by Editor:WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE Taariikh: 11 /05/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1013/052023, JSL/XM/WM/222-1014/052023, JSL/XM/WM/222-1015/052023 iyo JSL/XM/WM/222-1016/052023 uu xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Guddoomiyihii Gobolka Gabiley Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay HaNnan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey;
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland/ Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|