|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo ka hadlay Xaalada Guud Ee Dalka Iyo Go,aanka Nabad Diidka Ah Ee Garaadada Gobolka Sool.
May 7, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo furay Kal-fadhiga 81-aad ee golaha ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda dalku marayo, waxaanu soo qaatay xaaladda dagaal ee Laascaanood, waxaanu cadeeyay in xukuumadda iyo golayaasha qaranku ay diyaar u yihiin wada hadal nabadeed oo lagu xalinayo xaaladda Laascaanood balse waxa uu gudoomiyuhu sheegay in Garaadada gobolka Sool ay diideen wax wada hadal nabadeed ah oo arrinta Laascaanood lagala galo. Waxa uu mudanayaasha gudoomiyuhu u soo jeediyay in aan laga daalin ee kaga dalbado garaadada in ay ogolaadaan wada hadal nabadeed. Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay waxada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu guddi u magacaabay, waxa uu gudoomiye Saleebaan sheegay in mar walba ay ka socon waayaan wada hadaladu dhinaca Soomaaliya oo ay iyagu ka baxaan, waxaanu soo jeediyay in marka hore la fuliyo wixii hore loogu heshiiyay si loo helo wada hadal midha dhal ah. Related posts:Muj Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Yahay Musharax u Taagan Tartanka Mad... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Qado Sharaf Ku Maamusay Taliska Cusub Ee Ciidanka Booliska Js... 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐢𝐢 𝐠𝐨𝐠𝐨𝐥 𝐱𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧 ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|