“Waxa Yaab Ah Gurmadada Kusoo Qulqulaya Laascaanood, Waa La Yaqaan Waddada Keliya Ee Ufurani In Ay Tahay Kalabaydh, Adeer Hal Ama Laba Guuto Oo Ka Xidha Miyaa La Waayay”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Yaab Ah Gurmadada Kusoo Qulqulaya Laascaanood, Waa La Yaqaan Waddada Keliya Ee Ufurani In Ay Tahay Kalabaydh, Adeer Hal Ama Laba Guuto Oo Ka Xidha Miyaa La Waayay”Cali Guray.
April 11, 2023 - Written by Editor:

Hashu Maankayga Gadaye, Ma Nasaar Bay Liqday!!

Horta dagaalka waxa hogaamiya siyaasad. Ciidanka Qaranku wuu gudan karaa waajib kasta oo ciidan hadii ay leeyihiin ujeedooyin si cad u qeexan, wax-ku-ool ah lana kasbi karo oo ay ku wajahan yihiin dhamaan hawlgalada Ciidanka Qaranku ama waxaba la odhan karaa oo run ah ilaa hadda maba jiraan hawlgalo ay Ciidanka Qaranku ka wadaan Laascaanood ama gobolka Sool oo leh ujeedooyin la fahmi karo milatari ahaan. Miyaanay markaa imanayn in la iswaydiin karo ” hadaa waa maxay sababta uu Ciidanku u joogo Laascaanood iyo hareeraheeda? Yaase ka jawaabi kara?

Ciidamada aynu u bixinay huwantu in kasta oo lagaga adkaaday dhamaan goobihii dirirta khasaaraha gaadhayna shan goor ka badan yahay ka ay gaadhsiiyeen Ciidanka Qaran hadana ma qaldana in ay guul tirsadaan. Waayo dhamaan goobihii dirirta iyaga ayaa gacanta sare lahaa oo weerar ahaa, halka Ciidanka Qarankana la odhan karo tan iyo bilawgii dagaalka waxay yuurureen fadhiisimo duleedka Laascaanod ah taas oo la odhan karo difaac micno la’aan ah ku dhawaadna ay 200 kaga dhinteen. Inta ku dhaawacantayna haba sheegin.

Muddadii uu dagaalku socday Ciidanka Qaranku hal talaabo ku dheh oo kamay dhaqaaqin goobaha ay difaaca aan micnaha lahayn ay kaga jireen. Ciidamada Huwantu waxay tirsanayaan, oo aan been ahayn in ay Ciidanka Qaranka kala wareegeen fadhiisimadoodi hore sida Boocane, Tukeraq, Gambadha, iyo weliba Laascaanood. Waxa intaa u dheer gurmadada iyo taakulaynta sida joogtada ay uga helay aan wadamada jaarka, gaar ahaan dhinaca Puntland. Waxa yaab ah gurmadada ku soo qulqulaya Laascaanood waa la yaqaan waddada keliya ee u furani in ay tahay Kalabaydh. Adeer hal ama laba guuto oo ka xidha miyaa la waayay. Weliba labadii todobaad ee ugu dambeeyay waynu la soconay hubka culus iyo faraha ciidamada soo gaadhayay foromaha dagaalka.

Ciidamadan Huwantu waxay isugu jiraan; ciidamada degaanka oo waa dhulbahante. Aniga wax shiddo ah iguma hayaan kuwaasi oo waa Somaliland dagaalka iyaga Ciidanka Qaranka dagaal sokeeye oo nasiib darro ah. Ka dhinacan ka dhinta iyo ka dhinaca kale ka dhintaana waa kaa dhimay oo kugu dhimay. Waxa jira laba ciidan oo kale oo ah ciidanka Cabdi madoobe oo loo aqoonsan yahay argagixiso, iyo kuwa ka soo gudbaya xuduudaha ee ahayn Somaliland. Hadaba Ciidanka Qaranku labadaana miyuu awood u waayay inta uu Goojocadde iska yuururay oo kolba lagu soo weeraray?

Marka aynu run ka sheegno dagaalka Laascaanood waxa cad in Hawlgalka Dhinaca Ciidanka Qaranka ay wax si ka yihiin taas oo anigu aan ku dhaliili karo Xukuumadda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Qore; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

COMMENTS
LINKS