|
|||||
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirka Madaxda Dalalka Ay Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Ku Yeesheen Magaalada Kampala!!
April 27, 2023 - Written by Editor:KAMPALA(W,N)-Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin: 1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024. 2-In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan. 3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah. 4-Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalkaย ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada. 5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya. Shirkan Ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwaynayaasha Kenya. Uganda, Jabuuti, Itoobiya waxaana goob joog Ahaa Madaxwaynaha Somaliya Xasan sheekh maxamuud. Related posts:DAAWO;-Sheekh Xasan Deheeye Oo Dardaaran Culus Udiray Shir Gudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada! Magaalada Hargaysa Oo Markii Uhoraysay Laga Furay Tukaanka MODAREK MDK Oo Dalka Keenay Cadarada Orag... ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐
๐๐๐ก๐ข A๐๐ง ๐๐๐๐๐ข ๐๐ก๐๐ฒ๐งIyo Nuxurka Qodobadda kazo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |