|
|||||
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirka Madaxda Dalalka Ay Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Ku Yeesheen Magaalada Kampala!!
April 27, 2023 - Written by Editor:KAMPALA(W,N)-Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin: 1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024. 2-In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan. 3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah. 4-Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada. 5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya. Shirkan Ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwaynayaasha Kenya. Uganda, Jabuuti, Itoobiya waxaana goob joog Ahaa Madaxwaynaha Somaliya Xasan sheekh maxamuud. Related posts:Hayadda horumarinta barigga Africa Oo Bulshadda Somaliland Ugu Baaqday In Si Deg Deg ah loogu Gurm... Warbaahinta Kenya Oo Indhaha Kusoo Jeedisay Halista Somaliland Ka Soo Waajahaysa In La Laalo Heshiis... Xukuumada Somaliland oo Magaalada Boorama Ka Daah-furtay Mashruuc Dib Loogu Kaabayo Dadkii Duufaantu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|