Turkiga Iyo Itoobiya Oo Dhexdhexaadinaya Kooxaha Ku Dagaalamaya Dalka Suudan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga Iyo Itoobiya Oo Dhexdhexaadinaya Kooxaha Ku Dagaalamaya Dalka Suudan
April 29, 2023 - Written by Editor:

ANKARA(W,N)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Turkiga iyo Itoobiya ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan.

Dadaaladan ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga inuu uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Çavuşoğlu ayaa wareysi toos ah oo uu siiyay TRT Haber ku sheegay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Burak Akçapar uu u safri doono Suudaan toddobaadka soo socda si uu xal waara ugu helo dhibaatada ka taagan dalkaas.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga ay ka daadgureeyeen 1,834 qof, oo ay ku jiraan 249 muwaadiniin ah oo ka kala yimid 19 waddan oo kala duwan, kuwaas oo laga soo daadgureeyay Suudaan oo ay colaado aafeeyeen.

“Waxaan la xidhiidheynaa mid kasta oo ka mid ah muwaadiniinteena doonaya inay soo laabtaan,” ayuu yiri Çavuşoğlu.

TUrkiga ayaa khamiistii geeyay shan diyaaradood oo kuwa gaadiidka qaada ah, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo A400M ah, si ay muwaadiniinteeda uga soo daad gureeyaan Suudaan.

Horaantii Jimcihii, Wasaaradda Difaaca ayaa ku dhawaaqday in Diyaaradda Turkiga ee C-130 ee daadgureynta ah, oo ku sii jeedday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Wadi Seidna si loo daadgureeyo, ay la kulantay rasaas yar yar.

Xabbad-joojin dhaqangashay saqdii dhexe ee Talaadadii ayaa ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka Suudaan oo qarxay 15-kii Abriil.

Ugu yaraan 460 qof ayaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF tan iyo markii uu dagaalku billowday.sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Suudaan.

Khilaaf ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhex aloosnaa ciidamada iyo kuwa dableyda ah oo ku saabsan dib u habeynta amniga milatariga

COMMENTS
LINKS