“Taallo Dad Soomaaliyeed Bahdilaysa Maanaan Dhisin, Mana Dhisayno, Taallooyin Haddii La dhisayo Waxaa Loo Dhisi Doonaa..”Madaxwayne Cagjar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Taallo Dad Soomaaliyeed Bahdilaysa Maanaan Dhisin, Mana Dhisayno, Taallooyin Haddii La dhisayo Waxaa Loo Dhisi Doonaa..”Madaxwayne Cagjar.
April 8, 2023 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar “Mustafe Cagjar” oo ka qaybgalay Munaasibad lagu xusayay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay xaaladihii kala duwanaa iyo dhibaatooyinkii horey degaanka usoo maray.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa soo hadal qaaday arrin maalmihii u dambaysay baraha bulshada haysatay, taas oo ahayd in buurta Kaaramardha ee ku taal duleedka magaalada Jigjiga taallo looga dhisayo dadkii Itoobiya uga dhintay dagaalkii 1977kii ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haddaba Madaxweynaha oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in aan Taallo loo dhisayn dadkii dhibka iyo tacaddiga gaystay ee loo dhisayo dadkii uu tacaddigu ku dhacay, ” Taallo Dad Soomaaliyeed bahdilaysa maanaan dhisin, mana hindisin, mana dhisayno, Taallo haddii la dhisayo waxaa loo dhisayaa tacaddiyadii degaanka Soomaalida kasoo dhacay dadkii loogaystay ee looma dhisimaayo dadkii iyagu tacaddiyadaas gaystay” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu xusay in loo baahan yahay in lasameeyo Taallooyin lagu xusayo halgamayaashii soo maray degaanka Soomaalida iyo Ururadii sidoo kale kasoo halgamay dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumaddiisu tan iyo markii ay degaanka timid aan haba yaraatee wax godob ah oo taariikhi ah aysan ka galin Shacabka, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS