|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Madhxinta Ereyga Iyo Raasamaalka Afka: Magac-dhebista Dhulka!
April 26, 2023 - Written by Editor:“Saddex erey halkii dooni, soddon yaanay kaa qaadan” Sirta Nolosha, Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Daalaco (Daalàco) waxa ay ahayd islaan dhega la’ oo inta ay luntay habeen madow, maaddaama aanay maqlaynin yeedhmada reerka, loo gubay gubad si ay u soo halacsato ololka oo u soo raacdo iftiinka. Gubadkaasi caan ayuu noqdey, waxana loo bixiyey Gubadkii Daalaco Loo Gubey. Waa danbe waxa ka samaysmay isla gubadkii degsiimo cusub, markii danbena noqdey tuulo la yidhaahdo Gubad Daalaco. Hadda waxa loo yaqaannaa Gubadka. Hawdka waxa ku yaallay geed Raydab ah oo caan ku noqdey “Raydabkii Ina Xaaji Waraabe ku Jabay”, markii danbena waxa loo bixiyey Raydabkii Ina Xaaji Waraabe, mar danbena waxa loo yaqaannay Raydabkii Ina Xaaji, imminkana waxa loo yaqaannaa Raydabka. Sidoo kale ayay degmadii Raydab Khaatumo hadda iyana loogu yeedhaa Raydabka. Xawaalka isna waa dhagax-xawaal caan noqdey oo dhul-dagaan lagu asteeyo Hawdka, waxa la odhan jiray “Xawaalka Ninka Guuyoobe”, ninka la sheegayo ee ku aasanina waa nin Guuyoobe ahaa oo dool marti beesha ugu yimi, deedna xaqii ku yimi oo lagu aasay meesha. Magaalada Berbera waxa ku taalla maqaaxi la yidhaahdo Oonta Xoolaha, haddase dhallinyaradu waxa ay ugu yeedhaan Oonta. Tuulada Cadow Yuurura hadda waxa la yidhaahdaa Cadowga. Halka imminka la yidhaahdo Galka, waxa la odhan jirey “Galka Gondo Libaax”, sida halka imminka loo yaqaan Gadhka, loo odhan jirey Gadhka Warsame Xaad. Sidaa waxa ah iyana Bilcilka oo magaceedii Bilcil Weyso uu soo dhawaaday. Magacbixinta hadalka iyo yeedhmadu qofka biniaadamka ah waxay u anfacdaa in uu qofkale u tilmaamo meel, ama fahansiiyo arrin. Sidaa daraadeed waxa uu qofku isku dayaa in uu madhxiyo tamarta kaga baxaysa hawshaas. Mar haddii la isla fahmayo meesha ama fekerkana waxa la soo gaabiyaa sharaxa, lana madhxiyaa ereyada, waana sababta waqtigu u soo gaabiyey magacyadaa markii hore loo bixiyey goobaha, ee ereyada qaarkood markii danbe looga maarmay. Ma aha oo kaliya magaca goobaha ama dadka. Tusaale ahaan waxa la tuhunsan yahay in ereyga Saadanbe uu ahaa Sahan Danbe, halka ay Saakuun iyana ahayd Saakuub oo ka timi Sahan koob. Hadalku waa agab cajiib ah oo Eebbe ku mannaystay aadanaha, kagana soocay noolaha kale, aadanuhu waa u noole beekhaamin tamarta ku baxaysa agabkaa ka shaqaynsiintiisa, ka ku hadlaya iyo ka dhegaysanayaba in la soo koobaa oo inta ugu yar ee loo baahan yahay loo adeegsadaa waa hubanti. Waa sida ay u habboon tahay kolkaad wax qoreysona in aad ereyada aan loo baahnayn ka tagtaa. Qoraalba kuu ka kooban yahay isla nuxur ahaan, ayuu ka qurux badan yahay. “Saddex erey halkii dooni, soddon yaanay kaa qaadan”, Hadraawi (AHU). Haseyeeshee magacyada la soo gaabiyey laba hawlood ayay keeneen: 1) in magacyada qaarkood isku duldhacaan oo la kala garanwaayo (tus. Raydabka, Xawaalka, Galka, Laaska, ikk) oo isla magacaa degaan kastaa u yaqaaniin goobtooda, balse dalka ku baahsan. 2) in la lumiyo taariikhda magacbixinta goobtaasi iyo sababtii uu ku baxay. Barashada aqoonta magacbixinta goobaha (toponomy) waa laan ka mid ah cilmiyada juquraafiga iyo afafka, cilmibaadhuhuna waxa uu ku ogaadaa shaqadiisa, oo u kaydiyaa bulshada, magaca goobtaa cayiman iyo asalraaca halka uu magacu ka soo jeedo. Lifaaqan hoose waxaad ku arki goobo hordhac ah oo magacyadooda la soo gaabiyey, haddana caan ku ah magaca gaaban oo laga yaabo in aan la aqoon magacii hore.
____ Dr Jaamac Muuse Jaamac waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Kala xidhiidh twitter.com/JamaMusse ama jama@redsea-online.org. W/Q; Dr Jaamac Muuse Jaamac, PhD
COMMENTS
|
LINKS
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|