|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed.
April 17, 2023 - Written by Editor:Abu-riin-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo deegaanka Abu-riin oo dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed oo xalay ku geeriyooday Hargeysa. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid golaha wasiirrada, qaar kamid ah culimada waaweyn ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayaa ugu horrayn marxuumka salaaddii jinaasada kaga tukaday masaajidka Ibraahim Dheere oo uu Tafsiirka ka akhriyi jirey, waxana ay intaas kaddib usii gelbiyeen xabaalo ku yaalla deegaanka Abu-riin oo marxuumka lagu Aasay.
Ugu horrayn, xildhibaan Sheekh Axmed Dayid ku-caddeeye oo ku hadlay Afka qoyska marxuumku ka geeriyooday, ayaa madaxweynaha iyo dadweynihii kale ee janaasada kasoo qaybgalayba uga mahadnaqay sida milgaha leh ay uga qaybgaleen janaasada Sheekha, isaga oo ku dheeraaday wanaagyadii iyo doorkii uu sheekhu ku lahaa Diinta Islaamka. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Sheekha geeriyooaday Ilaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir ka siiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu jannadiisa ku casuumo, isaga oo ku dheeraaday kaalintii mugga lahayd ee uu ku lahaa barista iyo faafinta Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey daaci weyn iyo waqti badan geliyey akhriska iyo barista qawlka Eebbe oo aanu marnaba ka gaabbin muddadii uu noolaa,“Addoon wanaagsan oo intuu noolaa Qur’aan uun ama dhigayey, ama dhiganayey ama akhriyey buu ahaa, sida ay Diintu nagu tidhina waa Ahlul Janno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Marxuum Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta kasoo qabtay xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa muddo dheer kasoo dhigayey Rafsiirka Qur’aanka Kariimka ah masaajiddo kala duwan oo Hargeysa ku yaalla, waxana uu kamid ahaa culimada waaweyn ee reer Somaliland. Wa-bilaahi Tawfiiq Related posts:DAAWO; Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali Oo Kamid ... Halkan Ka Dhegayso Shirka Nabadaynta Ceel-Afwayn Oo Hadda Si Rasmi Ah U Furmay Iyo Wararkii Ugu Damb... Guddiga Doorashooyinka Oo Madaxweynaha U Gudbinaya Xilliga Ay U Muddeeyeen Qabashada Doorashooyinka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|