|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah Kulan Kula Yeeshay Safiiro Iyo Diblumaasiyiin + Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen
April 15, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kula yeeshay safiirro, safiir ku xigeenno iyo diblumaasiyiin ka tirsan waddammada kala ah;- Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, waxaana kulankaasi lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland. Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu ka war-bixiyey tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay dawladdu u qaadday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, kuwaas oo kala ah:-
Waxay Safiirrada, ku xigeenada iyo diblumaasiyiintu uga mahadnaqeen Madaxweynaha Qaranka Somaliland inuu ka ajiibay kulankan, waxaanay u soo jeediyeen inay suuragal tahay in Ciidammada Dawladda laga durkiyo Laascaanood. Madaxweynuhu waxa uu ku xidhay soo jeedinta Diblomaasiyiinta shuruud ah; In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada, kuwaas oo iyagoo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ku dhex-milmay Shacbigii Reer Somaliland ee Laascaanood, taasina ay tahay sababta aanay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah ku qaadin Magaalada Laascaanood, islamarkaana marka Maamulka Puntland ka baxdo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan Dawladda Somaliland iyo Shacbigeeda Laascaanood ay Xukuumaddu diyaar u tahay inay ka wada-hadlaan danahooda. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika, Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo Xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan Xuduudahooda. Ugu danbayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga war-bixiyey safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu hore diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana in masuuliyadda qabashada Doorashooyinka uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku. ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|