Madaxwaynaha Somaliya Oo Xafis Ufidiyay 100 Maxbuus Oo Ku Xidhnaa Jeelasha Magaalada Muqdisho! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Oo Xafis Ufidiyay 100 Maxbuus Oo Ku Xidhnaa Jeelasha Magaalada Muqdisho!
April 22, 2023 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Ilaa 127 Maxaabiis ah oo ku xidhnaa Xabsiyo ku yaala Muqdisho ayaa Maanta lagu sii daayay cafis madaxweyne, waxaana la tilmaamay in maxaabiista ay ahayeen kuwa galay dambiyo fudud.

Maxaabiistaan ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan munaasabada Ciida awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa la tilmaamay inuu soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa qaar ka mid ah xabsiyada kuyaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xabsi dhexe iyo Xabsiga MBC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye.

Maxaabiistaan cafiska loo fidiyay Maanta ee la sii daayay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad, kuwaas oo si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo cafiska u fidiyay.

 

Sanad walba marka la gaadho xiligaan oo kale munaasabada Ciida Soon fureed waxaa cafis madaxweyne lagu sii daaya maxaabiista u xiran dambiyada fudud ee ku xiran xabsiyada magaalada Muqdisho.

COMMENTS
LINKS