|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Oo Gaadhay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Safarkiisa!
April 14, 2023 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Gaadhay caasimada dalka Itoobiya Ee Addis Ababa halkaasi oo lagu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay wada yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga. Shirkan ayaa la sheegay inay hoggaamiyeyaasha saddexda dal ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni iyo gorfeynta xal u helidda caqabadaha ay wajahayaan dalalkan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay soo bandhigi doonaan aragtida Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xidhiidhka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. Dhanka kale Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Ayaa kulan la qaatay Raysalwasaraha Itoobiya Abiye Ahmed
Related posts:Hadalkii Wasiir Qambi Ee Loolanka Shir gudoonka Wakiiladu Ma Wuxuu Ahaa Codsi Cabdirasaaq Khaliif Ku... Siyaasi Waran Cade Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay, kana Hadlay Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye Iyo Dama... Dawladda Soomaaliya Oo Wada Hadalada Guddiyada Farsamo Ee Hargeysa Iyo Muqdisho Ku Soo Dartay 4 Xubn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|