|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Iyo Bahda Culimada Ee Uu Ka Baxay Marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Oo Caawa Ku Geeriyooday Hargaysa
April 16, 2023 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 16/04/2023. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Culimo-awdiinka, Eheladii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiir hore Marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 16/04/2023 Caasimada Somaliland Ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sheekh Caalim ah oo ka baxay Dalka iyo Dadka, tacab badana geliyey oo cilmiga diinta soo baray culimo badan oo maanta dalku leeyahay, isagoo ka soo qayb-qaatay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray sida; nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland wakhtihii Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Culimo-awdiinka Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|