|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ma Ogi Meel Uu Suldaanku Ku Yidhi, Beel Habla Waa Ehlu Naar, Mana Aha Hadal Milgo, Maamus Saldanadeed Iyo Muslimnimo Leh”Xil. Barkhad Batuun
April 28, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan barkhad batuun oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa kadareen celiyay hadal kazoo yeeshay suldan cade gude oo siyaabo kala duwan loo majaro habaabinayo isagoo sheegay in beelaha somailand yihiin kuwo sharaf iyomaamuus kala mudan islamarkaana suldaanku uu dhaliili karo madaxda kala duwan ee dal balse aan looa faa,iidaysan wax umada reer Somaliland kala fogaynaya. Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi; “Beesha Habar Awal waa beel weyn, waa beel leh tayo aqooneed iyo mid adduunba, waana bulsho ilbaxnimo weyn leh fahan ballaadhanna ka haysta dawladnimadda iyo qaabka ay u shaqeyso, waa beel ku suntan iney jaangooyaan siyaasadda Somaliland iyo cidda majaraheeda qabaneysa, cidda hunguri ka hayo hanashada hoggaanka sare ee dalka waxa waajib ku ah in ay helaan garabka beesha Habar Awal geed dheer iyo mid gaabanna u koraan sidii beelweynta Habar Awal hareerahooda u istaagi lahaayeen, ma ogi meel uu Suldaanku ku yidhi beel habla waa Ehlu Naar, mana aha hadal milgo, maamus saldanadeed iyo Muslimnimo leh. Suldaan Caddo-gude wuxuu guddoomiye u yahay beelweyn oo ballaadhan, isla markaana ah kurus ammaanka Somaliland oo ah beelwaynta (Garxajis). Wuxuu huwanyahay haybadda hoggaamineed ee beelweynta garxajis, waana ta keentay in hadalkiisa iyo hawlaha dhaqan ee uu hayo si ka duwan sida dadka caadiga ah loogu fiirsado, fasiraado badanna la saaro. Madaxda Xukumadda wuu dhalliili kara, Baarlamaanka wuu dhalliili kara, garsoorka waa dhliili karaa, cidna kama difaaci karto, intaba isaga leh oo waa Suldaankoodi, isagana waa dawladdiisi. Shakhsiyan waxa aan ku aqaana Suldaan Caddogude in uu yahay Odey dhaqan oo mar walba jecel Somaliland la wada leeyahay oo xilalkeeda, xoolaheeda, iyo xuquudaheedaba unmadda ka wada dhexeeyaan. Beesha Habarjeclo waa beel Alle ku arsaaqaday talo, mideysan, tab iyo xeelad, taakulo dhexdeeda ah, tamar iyo turuq joogto ah iyo iney tahay tiriiga shida shacniga iyo sharafta Somaliland in uu Alle Janneeyo Ifka iyo aakhriba anigu waan jecelahay, cid u diidanna ma jirto. Ugu dambeyn waxa aan leeyahay dhammaanteen waxa aynu nahay hilbo wada dhashay iyo hayb qudha, qabiil kasta oo Somaliland joogna wuxu leeyahay ammaan iyo awood cid walbana Alle ayaa ciseeyey cadaabna Alle ha inaga hayo. Somaliland waxa maanta yaala wax ka weyn in hoos la iskugu fiirsado fartana la isku fiiqo wixi dhexdeena yaal midnimo, walaalnimo, iyo wadajir aynu ku dhammeysano wararka aan wanaagsaneyn wad wadkoodana aynu joojinno. Qarannimo ayaa ina deeqda qabyaalad iyo kala qeybsannanina waxa ay innoo horseedi hoog iyo haadan laga dhaqo Alle kama dhigee.” QORE; Xildhibaan Barkhad Batuun. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|