Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Itoobiya Ufadhiya Hargaysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Itoobiya Ufadhiya Hargaysa!
April 13, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Somaliland Amb Delil Kedir Bushra, kaasi oo booqashadiisii koowaad ku yimid Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashadan ayaa daarnayd is-barasho maadaama safiirku ku cusub yahay safaaradda iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dawladood ay wadaagaan, gaar ahaan wada shaqaynta baaxada leh ee ka dhaxaysa Garsoorka labada dal, waxaanay Guddoomiyaha iyo safiirku hoosta ka xarriiqeen sida ay muhiimka u tahay joogteynta iskaashigaasi soo jireenka ah.

Wa bilaahi tawfiiq

COMMENTS
LINKS