|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Sheegay Inay Taageerayso Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya!
April 13, 2023 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay dowladdiisa ay ka go’an tahay ka midho dhalinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalkan ayuu safiirku ku sheegay kulan khadka taleefonka ah oo uu la yeeshay ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Aarrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled. Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay ahmiyadda iyo xoojinta Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii mustaqbalka dhow guul looga gaadhi lahaa wada hadalka. Danjiraha Maraykanka ayaa muujiyay taageero iyo garab istaag ergayga, asagoona tilmaamay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay ka midha-dhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay soo dhoweysay magacaabidda ergayga cusub, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inuu yahay nin hoggaamin kara wada hadalada oo xog ogaal ah. Related posts:Waftigii Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somailand Oo Heshiis Dhinacyo Badan Taabanaya La Saxeexday Mas... DAAWO; Boqor Buur madow Oo Dib Uhelay Xoriyadiisii Kana Hadlay Xadhigiisa Iyo Arimo Kale Oo Xasaasiy... Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Xilkii U Kale Wareejiyay Isku duwaha Cusub E... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|