Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub Usoo Magacowda Somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub Usoo Magacowda Somaliya
April 18, 2023 - Written by Editor:

UK(W,N)-Dowladda Ingiriiska ayaa Michael Nithavrianakis u magacowday Safiirkeeda cusub ee Soomaaliya.

Waxaa lagu beddelay oo uu xafiiska kala wareegayaa Ms Kate Foster oo ahayd safiirkii boqortooyada UK u fadhiyay Soomaaliya.


Mr Nithavrianakis waxa shaqada xafiiska qabsan doonaa inta lagu jiro bisha May 2023.
Safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dalal kala duwan oo ay kamid yihiin Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo kuwa kale.
Shaqadii ugu dambeysay ee uu hayay waxay ahayd xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud & Agaasimaha Ganacsiga & Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Italy.

 

COMMENTS
LINKS