Ciidanka Dab Damis Magaalada Ceerigaabo Oo Laba Nin Oroma Kasoo Badbaadiyay Ceel Biyood Ay Ku Dhaceen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damis Magaalada Ceerigaabo Oo Laba Nin Oroma Kasoo Badbaadiyay Ceel Biyood Ay Ku Dhaceen!
April 28, 2023 - Written by Editor:

CEERIGAABO(W,N)-Ceerigaabo Ciidanka Dabdemiska magaalada Ceerigaabo ayaa laba nin oo Oromo ah ka soo badbaadiyay Ceel ay ku dhaceen kuna yaala xaafada October ee magaalada Ceerigaabo.

Ciidanka ayaa gunta hoose ee Ceelka ka soo samatabixiyay labadaa nin oo ku neef qabatoobay, intaa kadibna waxaa ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Ceerigaabo.

Ciidamada Dabdemisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan inay ka digtoonaadaan xilli roobaadka ceelasha biyaha, baraagaha, dooxyada, laagaha iyo goobaha biyo mareenada ah.

 

COMMENTS
LINKS