|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damis Magaalada Ceerigaabo Oo Laba Nin Oroma Kasoo Badbaadiyay Ceel Biyood Ay Ku Dhaceen!
April 28, 2023 - Written by Editor:CEERIGAABO(W,N)-Ceerigaabo Ciidanka Dabdemiska magaalada Ceerigaabo ayaa laba nin oo Oromo ah ka soo badbaadiyay Ceel ay ku dhaceen kuna yaala xaafada October ee magaalada Ceerigaabo. Ciidanka ayaa gunta hoose ee Ceelka ka soo samatabixiyay labadaa nin oo ku neef qabatoobay, intaa kadibna waxaa ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Ceerigaabo. Ciidamada Dabdemisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan inay ka digtoonaadaan xilli roobaadka ceelasha biyaha, baraagaha, dooxyada, laagaha iyo goobaha biyo mareenada ah.
Related posts:Qaarkamid Ah Ganacsatada Yare Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Ciidanka Dawlada H... DAAWO; Shacabka Gobolka Saraar Oo Deeq Geel Iyo Adhi Isku Jirta Gaadhsiiyey Ciidamada Qaranka Ee Jii... Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Si qotodheer U Sharaxay Sababta Mar Kasta War-Murtiyeedyada IGAD Loogu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|