Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saaray Kulan Ay La Qaateen Madaxwaynaha Somaliland Iyo Arimaha Ay Kaga Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saaray Kulan Ay La Qaateen Madaxwaynaha Somaliland Iyo Arimaha Ay Kaga Wada Hadleen!
April 17, 2023 - Written by Editor:

NAIROBI(W,N)-Safiiro ka socda 15 waddan oo reer galbeed ah, oo dhawaan kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Ayaa soo saaray bayaan kaga hadleen  arimihii ay ka wada hadleen madaxwaynaha Somaliland oo ay ugu horayso xal uhelida colaada magaalada laascanood iyo qabsoomida doorashooyinka somalilad.

Qoraal ay si wada jira usoo saareen wadamada beesha caalamka ayay ku sheegeen in loo baahanyahay in bad qabka shacabka waxkasta laga horaysiiyo, isla markaana ciidamada la kala fogeeyo, oo laga shaqeeyo in dadka barakacay gargaar la gaadhsiiyo.

Sidoo kale Waxa lagu sheegay bayaankan in ay soo dhawaynayaan go’aanka madaxweynaha Somaliland ee ah in uu colaada ku dhameeyo wadahadal iyo nabad, iyo in uu ka shaqaynayo in dadka la gaadhsiiyo gargaar.

Bayaanka ayaa inta ku daray in saaxiibada caalamiga ah ay niyad jabisay in madaxweyne Biixi uu diiday in uu ciidamada ka qaado furimaha magaalada Laascaanood ku hareeraysan.

Dhanka kale wadamada beesha calaamka ayaa xukuumda Somaliland ugu baaqay markale in la sameeyo khariirada qabsoomida doorashada Somaliland.

Waddamada bayaanka ku sexeexan ayaa kala ah Ingiriiska, Maraykanka, Finland, Canada, Denmark, Belgium, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Norwey, Sweden, Turkiga, Ireland iyo Midowga Yurub.

COMMENTS
LINKS