Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Oo Ansixiyay Xeerka Qaxoontiga Iyo Mangalyo Doonka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Oo Ansixiyay Xeerka Qaxoontiga Iyo Mangalyo Doonka!
March 6, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada JSL oo uu shir-gudoominayey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada JSL Md. Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa maanta qodob qodob cod ugu qaaday Xeerka  Qaxoontiga iyo magan-galyo doonka JSL oo golaha Guurtidu wax ka bedel iyo kaabis ku soo sameeyey.

Golaha ayaa qodob  kasta gaarkiisa cod ugu qaaday qodobadii ay wax ka soo bedeleen golaha guurtidu waxaana gebagebadii loogu codeeyey sidan

Golaha waxa fadhiyey 44 xildhibaan

Waxa ogolaaday 33 xildhibaan

Waxa diiday 0

Waxa ka aamusay 10 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS