|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxan Mahad Gaar Ah Udirayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Iyo Wax Garadka Laascaanood, Ee Iska Fahmey Shirkqoolkii Garoowe Laga Waday, Oo Aanay Qayb Ka Noqon” S/G. Mahad Canbaashe.
March 4, 2023 - Written by Editor:Bogaadin Iyo Mahadcalin. Waxan bogaadinayaa waayeelka,waxgaradka,haldoorka iyo isimada beesha Jaamac Siyaad oo ay hogaaminayaan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Gudoomiyaha G/wakiilada JSL mudane C/risaaq Khaliif Axmed sida ay ugu howlanyihiin soo celinta nabaddii ay reer Laascanood kaga ciyaareen qowlaysatada kala duwan ee ku soo duushay dhiigooda,maalkooda,magaaladooda iyo mustaqbalkooda. Dadka nabadda reer Lascanood ku soo duuley waxay adeegsadeen shaadh qabiil iyo magacyo Garaado ah lkn hadda kadib ummaddu u bixisay Garaad laawayaal dadka reer Laascaanoodna u horseeday geerida boqolaal nolosha hadaf kalahaa iyo kumanyaal dhaawac ah iyo boqolaal kun oo barakac ah. Reer Laascaanoodow dadka aqoonyahankiinii,ubadkiinii,maatidiinii,maalkiinii u horseeday in haad iyo haanraawe ka dhergo waxba idiinma aha waa cadowgiina koobaad,waayo hadday idin kanaxayaan noloshiina,maalkiina,magaaladiina kuma soo duuleen ee iska qabta oo yaanay dhibtu intaa dhaafin magaaladiinana ay boobeenna ka saara. Waxan kale oo u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL md. Muuse Biixi Cabdi oo Garaad Jaamac G. Ismaaciil,aniga iyo Gudoomiye Khaliif naga aqbalay in Ciidanka Qaranka gudaha magaalada laga saaro si aan fursad loo siin kooxaha manaxayaasha ah ee u soo biyo dhaansaday burburinta Laascaanood iyo dadkeeda oo aanimminka lahayn awood ay dibada ugu baxaan CQSL. Waxan kale oo mahad gaar ah u dirayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo wax garadka Laascaanood ee iska fahmey shirkqoolkii Garoowe laga waday oo aanay qayb ka noqon. Ugu danbayn dadka reer Laascaanood waxan ugu bushaaraynayaa iftiinka neecawda nabadda Laascaanood udgoonkeeda ee dacalada qabta. W/Q’;TQ7-aad ee CQSL Sareeye Guuto Mahad Canbaashe Cilmi -Wa billaahi towfiiq- Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|